Shil gaari oo sababay dhimasho oo dhaawac ka dhacay duleedka Bosaso

Published: December 26, 2022
Shares20

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay duleedka magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday kadib markii uu shil galay gaari ka yimid dhinaca degmada Badhan ee Gobolka Sanaag kuna sii jeeda Boosaaso.

Gaariga oo shilkan galay ka hor inta aanu gaarin Boosaaso waxaa ku dhaawacmay tiro badan inta ku dhimatay.

Dadkii ku dhaawacmay shilka ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalada Magaalada.

Horseed Media