Shil sababay khasaare hantiyeed oo ka dhacay magaalada Bosaso

Published: December 4, 2022

Shil gaari oo sababay khasaare kala duwan ayaa aroornimadii hore ee saaka ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Shilka oo dhacay Agagarka cisbitaalka weyn ee magaalada ayaa ka dhashay laba gaari oo isku dhacay.

Labada gaari oo kala ahaa nooca loo yaqaan Noha iyo gaari Bas ah oo siday arday waxaa ka dhashay khasaare hantiyeed.

 Sida ay xaqjiyeen dad goobjoogayaal ah dhammaan dadkii saarnaa gawaarida ayaa la sheegay inay nabad qabaan walow ay jiraan dhowr qof oo uu soo gaaray dhaawac fudud.

Horseed Media