Shir lagu heshiisiinayo beelaha Degga Gobolada Karkaar iyo Hayland oo Qardho ka furmay.

Published: February 29, 2020

Magaalada Qardho maanta waxaa laga daah-furay wejigii labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta beelada Degga Gobolada Karkaar iyo Hayland Wejiga koowaad ee shirkaan oo dhacay bishii Dec 2019 ayay odayaasha labada dhinac ku balamaeen kulan kale oo balaaran kaas oo ay kasoo qayb-galayaan dhinacyadda wax kala tirsanaya.

29-Feb-2020 oayuu wejigii 2aad ee shirka si rasmi ah u furmay waxaana kasoo qaybgalay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland saciid Cismaan Aadan Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Cabdiweli Mire Xirsi, Maamulka Gobolada Haylanad iyo Karkaar Islaan Mahad Maxamuud Cilmi suldaan Maxamuud Jaamac odayaasha labada dhinac iyo masuliyiin.

Odayaasha labada dhinac ayaa sheegay in ay rajaynaan in shirkaan lagu gaaro xal-waara sidoo kalena lagu soo afjaro xurgufta yar ee beelaha degga labada Gobol dhex-taalay. Dawlada Puntland ayay uga mahad-celiyeen waqtigga iyo juhdigga ay gelisay sidii gogoshaan laysugu immaan lahaa.

Masuuliyiintii ka socday Dawlada Dhankooda waxay tilmaameen in halkaan ay u yimaadeen in ay fudaydiyaan wixii farsamo ah ee loo baahdo waxay xuseen in dawlada ay kaalin wayn ka gaysanayso kaalinta hirgelinta wixii shirka kasoo baxa iyo baraarujinta bulshooyinka si kor loogu qaado nabadda iyo wada-jirka bulshada reer Puntland.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *