Shir looga hadlayey sugida Amniga guud ee dalka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho 

Published: April 3, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Amniga oo looga hadlay dar-dargelinta sugida Amniga guud ee dalka, ciribtirka Al-shabaab, shuruucda horutebinta u leh amniga iyo qaadista cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab iyo qorshaha qaran ee ka hortaga fikirka xagjirka ah.

Shirka ayaa  lagu ansixiyay magaca iyo waajibaadka Xarunta Qaran ee la dagaallanka Fikirka Xagjirka ah ee WAANO, taas oo hoos tageysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siineyso xasillinta iyo xoreynta dalka, si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado culeyska Al-shabaab ay ku hayaan, dalkuna u gaaro horumar iyo caddaalad, iyada oo la diyaarinayo shuruucdii hageysay amniga.

Horseed Media