Shir u dhexeeya hay’adaha gargaarka iyo dowladda PL oo Garoowe ka qabsoomey

Published: September 18, 2023

Ku-simaha Madaxweynaha, isla markaana ah Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Hay’addaha caalamiga ah iyo Dowladda Puntland oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Shirweynaha u dhexeeya Hay’addaha Caalamiga ee daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo hay’addaha Dowladda Puntland ayaa ujeedkiisu ahaa 4 qodob oo kala ah.

Wacyi-gelinta xaaladaha bini’aadantinimo iyo baahiyaha ka jira Puntland.

Cusboonaysiinta hawlaha bani’aadantinimo ee hadda jira iyo kuwa la qorsheeyay, si wax looga qabto baahiyaha deg-degga ah iyo kuwa la filaayo.

Xoojinta isku xirka iyo habka wada shaqayneed ee kuwa ay ka dhaayso shaqadu.

Bilawga dadaalka mustaqbalka ee lagu heshiiyey, si loo hubiyo in jawaab waarta laga bixiyo baahiyaha iyo mudnaanta.

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa shirka kala qayb-galay Masuuliyiinta Wasaaraddaha ay khusayso shaqadani.