Shirka 19-aad ee Shabakadda Bixinta Adeegga Isgaarsiinta iyo Duulista Hawada ee NAFISAT oo ka furmay Muqdisho

Published: October 15, 2024

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfurtay shirka 19-aad ee Shabakadda Bixinta Adeegga Isgaarsiinta iyo Duulista Hawada ee NAFISAT.

Hay’adaha duulista rayidka ee 11 dal iyo labo ka mid ah ururrada caalamiga ah oo ka shaqeeya arrimaha duulista hawada ayaa ku mideysan Shabakaddaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan martigelineysa shirkaan oo sanadkiiba mar la qabto, waxaana looga hadlayaa xal u helidda caqabadaha jira, ka faa’iideysiga fursadaha, casriyeynta iyo bixinta adeegyada isgaarsiinta Duulista, wuxuuna socon doonaa muddo labo maalmood ah.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan oo Shirka furay ayaa faahfaahin ka bixiyey ajendaha shirka iyo muhiimadda uu u leeyahay dalalka ku bahoobay, iyadoo sanadkaan ay Soomaaliya qaadatay doorkeeda martiginta.

“In Soomaaliya marti geliso oo ay guddoomiso shirka sanadlaha ah ee Nafisat waxaa ay adduunka tuseysaa horumarka laga gaaray dhinaca duulista hawada,” ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan.

Horseed Media