Shirka Golaha wadatashiga Qaranka oo maalintii labaad ka socda Baydhabo

Published: March 17, 2023
Shares4

Shirka Golaha wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shirka uu shalay furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed oo ka warbixiyey shirkan ayaa sheegay in Madaxda ay si weyn u falan qeeyeen arrimaha Amniga, wadashaqeynta Madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada iyo dhameystirka qodobadii horay loogu heshiiyay.

Sidoo kale Wasiirka oo soo hadal qaaday maqnaanshaha shirka ee Puntland ayaa sheegay inay wada-hadallo hoose u socdaan Madaxda, isla markaana wixii kasoo baxa shirka leysku wada raaci doono.

Horseed Media