Shirka Guddiga Farsamo Ee Maamul Baahinta Mashruuca JPLG Oo Ka Furmay Garoowe

Published: December 14, 2020

Shirka guddiga Farsamo ee adeeg bixinta baahsan ee mashruuca Maamul baahinta (JPLG) oo Garoowe ka furmay.

Waxaa maanta magaalada Garoowe ka furmay Shirka guddiga Farsamo ee adeeg bixinta baahsan ee mashruuca JPLG iyo dar-dargelinta adeega maamul baahinta Puntland.

Shirkaan oo ay ka qayb galeen Agaasimayaal guud, guddoomiyayaasha degmooyinka, agaasimayaal waaxyo degmooyin, saraakiil Madaxtooyo, hayadaha UNJPLG iyo masuuliyiin kale .waxaana soo qaban qaabiyay xafiiska hormuudka maamul daadajinta oo si toos ah u hoos yimaada xafiiska Madaxweyne ku xigeenka.

Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Abdiweli Cali Timacadde oo shirka furay ayaa ka hadlay muhiimadda shirkaan u leeyahay maamul baahinta Puntland, waxa uu sheegay in shirkaan uu ka mid yahay kuwa sida joogtada ah u socda, isla markaana lagu go’aamiyo hannaanka Maaamul baahinta.
Agaasimaha ayaa xusay in maamul baahintu heerar kala duwan soo martay, isla markaana ay guul tahay in degmooyinka iyo wasaaraduhu goobta isla joogaan si ay go’aan ugu gaaraan adeegga maamul baahinta.

Xiriiryaha, Xafiiska Maamul baahinta Madaxtooyada dowladda Puuntland Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Maamul baahintu sahasho sidii degmo iyo tuulo kasta muwaadiniinta ku dhaqan ugu heli lahaayeen adeegyada bulshada goobta markaa ay ku suganyihiin.

Agaasimayaal iyo qaar kamida ah guddoomiyayaasha Degmooyinka Puntland oo shirka ka hadlay ayaa soo dhoweeyay qorshahan, isla markaana ballan qaaday inay hirgalin doonaan go’aamada shirkaan kasoo baxa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *