Shirka Maalgashiga Qurbajoogta Soomaaliyeed oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho

Published: May 11, 2024

Shirka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta magaalada Muqdisho,shirkan ayaa waxa looga hadlayaa doorka qurbejoogta Soomaaliyeed ee maalgashiga dalka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda waaxda Jaaliyaddaha Qurbejoogta ayaa waxa ka qayb galay Madax ka kala socotay Hay’addaha Dowladda,Ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo shirka furay ayaa sheegay in qurbejoogtu kaalin xooggan ka geysteen maalgashiga Dalka,koboca nolosha Bshada iyo difaaca dalkaba ay kaali weyn ka geysteen.

Wasiirka ayaa xusay in qurbejoogtu safiiro iyo muraayad u yihiin dadka Soomaaliyeed dalalka ay joogaana ka sameeyeen horumar muuqda korna u qaadeen sumcada Dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladdu ahmiyax weyn siinayso qurbejooga dalka dib ugu soo laabanaya ee maalgashanaya dalka iyadoo la fulinayo Siyaasadda xukuummadda dan-qaran.

Horseed Media