Shirka Urur-Goboleedka IGAD oo khardoum ka furmay.

Published: March 1, 2020

Magalada Khartoum ee Casimada dalka Suudaan waxaa ka furmay shir ay soo abaabuleen iskana kaashaanayaan Urur Gobolleed-ka IGAD iyo Midowga Europe, kaasi oo ay ka qayb-galayaan Wasiirada arrimaha dibadda ee xubinta ka ah Ururka IGAD.

Soomaalia waxaa shirkaan ku Metelaya Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah, Safiirka Soomaaliya ee dalka Sudan Amb. Maxamed Sheikh Isxaaq, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Dibadda Maxamed Cali Nuur iyo Diplomaasiyiin ka tirsan Safarada.

Shirka inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa Qorshaha 100 maalmood iyo dib u habeynta Urur Gobolledka IGAD, nabadgelyada iyo Amniga Gobolka, Iskaashiga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ,Iskaashiga Cimilada iyo muhaajitiinta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *