Shirka Mucaaradka ee Wadatashiga Aayaha Puntland oo Dhawaan Ka Furmaaya Garoowe

Published: October 4, 2023

Dhawaan waxa ka furmaaya xarunta Dowladda Puntland ee Garoowe shir ay isugu imaanayaan aqoonyahanka, siyaasiyiinta madaxa banaan, ururada siyaasadda qaarkood.

Shirka ayaa looga hadlayaa aayaha Puntland oo ay sheegeen in xaaladedu tahay hubanti la’aan ama la dhihi karo mugdi ayey ku socotaa, waxay sheegeen in loo baahan in laga wada tashto sidii loo samatabixin lahaa ka hor inta muddo xileedka goloyaasha dowladdu aanu dhamaan muddo yar kadib.

Farax Cali Shire wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland, horeyna u ahaa musharax madaxweyne ayaa ku dhawaaqey shirka, waxaana la qabanayaa 10 Oktobar 2023, waxaana uu ka dhacayaa magaalada Garoowe.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayey ku eedeeyeen in uu ka shaqeynaay muddo kororsi laba sano ah, isaga oo ku doodaya in uu dalka dimoqraadiyad gaarsiinaayo u jeedkiisuna ahaa muddo kororsiga marka ay dhamaato muddo xileedkiisu.

Shirkan ayey sheegeen in uu ka duwanaan doono kuwii hore isla amrkaana ay ka soo bixi doonaan go’aamo caaqibo leh.

Horseed media