Shirkada TIKTOK oo dacweenaysa Trump!

Published: August 23, 2020

Shirkada Tiktok ayaa Sabtidii shalay qoraal ay soo saartay sheegtay inay maxkamada la tiigsan doonto Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo dhawaan saxiixay dikareeto lagu cadaadinayo shirkadaasi.

Dacwada Tiktok ayaa salka ku heysa in dowlada Maraykanka ay si sharci daro ah dooneyso inay xayiraad ku saarto isticmaalka Tiktok ee filimaanta telefonada lagu duubo oo ay dhalinyarada isticmaalaan.

Trump ayaa 6dii Agoosto saxiixay dikareeto uu ku sheegayo in 45 maalmood uu u qabtay shirkadaha Maraykanka inay kusoo afjaraan xiriirka ganacsi oo ay laleeyihiin shirkada Tiktok oo hoostagta Shirkada ByteDance oo xarunteedu tahay dalka China.

Xiriirka sii xumaanaya ee Shiinaha iyo Maraykanka ayaa loo aaneenayaa cadaadiska Maraykanka saarayo shirkada ByteDance ee leh Tiktok, waxayna xukuumada Maraykanka ku tilmaamtay aalada Tiktok mid khatar ku ah amniga Maraykanka iyo Shacabka isticmaala.

Hanjabaada iyo Dikareetada Trump ayaa lagu soo beegay xili uu socday wadahadal u dhaxeeya shirkada ByteDance iyo Shirkada Maraykanka laga leeyahay ee Microsoft oo dooneysa inay gadato Tiktok. Microsoft ayaa sheegtay inay rajeenayso in wadahadalkan ay soo afjarto bartamaha bisha soo socota ee September.

Barnaamijka Telefonada iyo Kombuterada ee Tiktok ayaa waxaa isticmaala in ka badan 1 bilyan oo qof oo caalamka ku kala nool, in ka badan 175 Milyan oo shacabka Maraykanka ayaa kamid ah dadka isticmaala.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *