Trump oo xayiraad dul-dhigay Tiktok

Published: August 7, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay Amar sheegaya in isticmaalka barnaamijka Tiktok iyo Wechat laga mamnuucayo Maraykanka 45 maalmood gudahood.

Go’aankan ayaa u muuqda in lagu cadaadinayo shirkada Shiinaha ee leh Tiktok ay barnaamijkaasi ku wareejiso shirkada Maraykanka laga leeyahay Microsoft.

Dowlada Maraykanka ayaa ku eedaysay shirkada leh Tiktok oo xarunteedu tahay Shiinaha inay xogta dadka aaladaasi isticmaala ay Shiinaha u adeegsan karaan wax basaasida.

Amarka kasoo baxay Madaxweynaha Maraykanka ayaa lagu soo beegay xili uu gorgortan iibka Tiktok uu u socdo shirkada Microsoft iyo Shirkada Bytedance oo leh Tiktok.

Inta badan dhalinyarada ayaa isticmaala barnaamijkan oo uu Trump sheegay inuu khatar ku yahay amniga dalkooda.

Barnaamijka Telefonada iyo Kombuterada ee Tiktok ayaa waxaa isticmaala in ka badan 1 bilyan oo qof oo caalamka ku kala nool, in ka badan 175 Milyan oo shacabka Maraykanka ayaa kamid ah dadka isticmaala, waxaana aaladan loo adeegsadaan sameynta filimaanta kooban, qoraalada la isu diro iyo waliba dhanka iibka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *