Shirkadaha Ganacsiga Boosaaso oo u Xiran Hanjabaado uga Imaanaya Kooxaha Argixisada

Published: August 24, 2023
Shares48

Shirkado dhowr ah oo caan ka ah magaalada Boosaaso ayaa lagu qasbay inay albaabada isugu dhuftaan ganacsiyadooda kadib hanjabaado kasoo yeeray kooxda argagixisada ah ee Daacish, sida ay sheegeen ganacsatada.

Shirkadaha waaweyn ee ganacsiga, sida Towfiiq, Gufurre, Horseed, iyo Oomaar, ayaa qaaday tallaabo si ku meel gaar ah loogu xiray xarumahooda ka dib digniino sheegaya inay la kulmi doonaan dhibaato lamid ah tii shirkadihii horay loogu gubay magaalada Boosaaso.

Ilo-wareedyadu waxay sheegayaan in shirkadaha la beegsaday lagu qasbay inay bixiyaan boqolaal kun oo doolar ah oo canshuur ah.

Bishii April ee ina dhaaftay ayay kooxaha argagixisadu bam-gacmeedyo ku tuureen shirkadaha Al-Macruuf iyo Fadhisame, halkaas oo ay ku dileen laba qof, isla markaana ay khasaare ballaaran u geysteen hantidii shirkadahaasi oo gubtay.

Horseed Media