Shirkii Musharixiinta Koonfur Galbeed oo War-muriyeed laga soo saarey

Published: September 12, 2023

Shir socdey muddo saddex maalmood ah oo ay ka qaybgaleen musharixiinta xilka madaxweynah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku soo dhamaadey magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirka waxaa sidoo kale ka qayb galay masuuliyiin kale oo xilal sare dalka ka soo qabtey.

War murtiyeed dheer oo laga so saarey shirka ayaa lagu baaqey in si deg deg ah loo dhiso Guddiga xulista xildhibaanada Baarlamaanka 3aad ee KGS, waxaana shardi looga dhigey in ay noqdaan kuwo la isla ogol yahay oo ka kooban xubno looqaateen ah, maadaama la joogo waqtigii la billaabi lahaa howlaha doorashada.

War murtiyeedka ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya loogu baaqey in ay qaadato mas’uuliyadda ilaalinta iyo fulinta heshiiskii Baydhabo ee ay garwadeenka ka ahaayeen Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamednuur (Madoobe).

Musharixiinta ayaa ku dhawaaqey in laga bilaabo 1da Novermber 2023, maamulka Koonfur Galbeed waqtigiisa uu dhamaanayo, wax door ahna kuma lahaan karo geeddi socodka hirgelinta doorashooyinka aan ka ahayn xuquuq la mid ah kuwa musharaxiinta kale. Maamulka iyo maareynta hirgelinta doorashada waxaa iska leh Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo odayaasha dhaqanka ee rasmiga ah oo latashanaya nabadoonada beelaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reerka, sida ku cad heshiiskii Baydhabo.

Ugu danbeyn Musharixiinta Koofur Galbeed ayaa cambaareeyey waxay ugu yeereen farogelin in lagu hayo odoyaasha dhaqanka ee soo xuli lahaa Xildhibaanadii Dowald goboleedkaas.

Muddo xileedkii Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa dhamaadey dhamaadkii sanadkii hore, kadib heshiis siyaasadeed oo ka dhacay Baydhabo oo uu goob joog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la isla qaatey in doorashada la qabto Nofeembar 2023.

Horseed Media