Shirkii Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland oo Garoowe ka furmaya

Published: October 9, 2023

Shirkii siyaasiyiinta mucaraadka ah iyo qaar kamid ah ururada siyaasadda ee mucaaradka ah ayaa maalinta Salaasada ee bari ka furmaaya magaalada Garoowe.

Shirkan oo marki hore qorshuhu ahaa in lagu qabto Hotelka weyn ee Martisoor, ayaa la sheegay in mamulka hotelku sheegay ay ka cudurdaarteen in aysan shirkaas martigelin karin, marka la eego xaaladda ciidamada siyaasiyiinta wataan.

Shirka ayaa hadda lagu qabanaaya Beerta Arlo ee ku taala galbeedka magaalada hakaas oo lagu qabsado xafladaha waaweyn.

Shirka waxaa ka soo qaybgalaya sida xogtu sheegayso Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi oo ka tirsan ururka Mideeye, horeyna ahaa musharixii soo gaarey areega u danbeysa doorashadii 2019 ee la tartamey madaxweyne Deni, sidoo kale waxaaka qaybgalaya Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, iyo siyaasiyin kale oo badan.

Wararku waxay sheegayaan in shirka ujeedkiisu yahay sidii Puntland ay uga dhici lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, meesha laga saaro muddo kororsi taas oo horseedi karta qalalaase dalka ka dhaca.

Horseed Media