Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo ka furmaya Magaalada Muqdisho

Published: January 23, 2023
Shares2

Shirweyne la isugu keenayo Culimada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda dalka ayaa maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa looga doodi doonaa dhowr ajende oo miiska saaran oo gunaanadkiisa lagu wado in war laga soosaaro.

Qaar kamid ah culimada ka qaybgaleysa shirkaan ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay jiheynta Dalka si Culimadu usoo saarto bayaan guud oo ku socda Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Shacabka.

Culimada gudaha & kuwa Dibadda ka imaanaya ayuu tilmaamay in ay diiradda saari doonnaan in ay dul istaagaan qodobo badan oo u baahan in la caddeeyo lagana soosaaro warmurtiyeedka gunaanadka shirkaan.

Qaban qaabada xafladda furitaanka Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa ka socota Magaalada Muqdisho waxaana ka qaybgalaya mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka oo khudbado ka jeedin doonna.

Horseed Media