Siyaasi Asad Cismaan: “Siciid Deni haddii uu doorasho qaban waayo waa in la soo qabto oo maxkamad la soo taago”

Published: October 10, 2023

Gen Asad Cismaan Cabdullaahi oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland ugu miisaanka cuslus ayaa maanta khudbad uu ka jeediyey shirweynaha siyaasiyiinta iyo ururada mucaaradka ah ee Puntland.

Asad ayaa sheegay in Madaxweyne Deni looga fadhiyo in uu abto doorashada xiligeedina ku qabto.

“Ururka Mideeye, waxaan ka qaybgalney doorashadii goloyaasha deeaanka, waxaan sidaas u sameyney shacabka ayaa na khasbaayey oo u arkey in dantu ku jirto, laakiin waxaan ogeyn in Siciid Cabdullaahi wax khaldayo, markii u xeerarkii oo dhan beddalay dastuurii beddalay, waxkastana ka dhigey sida uu rabo waan isaga baxney ayuu yiri Asad Cismaan Cabdullaahi.

Gen Asad ayaa ugu baaqey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu doorashada xiligeedi qabto.

“…Madaxweyne Deni haddii uu doorashada qaban waayo 8 janaayo 2024 waa in tallaabo laga qaado oo la soo qabto, kadibna maxkamad la soo taago ayuu yiri.

Shirka Siyaasiyiinta iyo ururada mucaaradka oo maanta oo Salaasa ah ka furmey Garoowe ayaa socon doona laba maalmood, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed xal loogu raadinaayo siyaasadda cakiran ee Puntland.

Horseed media