Siyaasi Ku Eedeeyay DF inay Dayacday Somalida Ku Nool Shiinaha

Published: February 5, 2020

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay dayacday ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan gobolka Wuhun ee Dalka Shiinaha, halkaas oo uu ka dilaacay viruska Corona

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facbooga ayuu ku sheegay in ardayda ku nool gobolkaas aysan ilaa iyo haanta helin gurmadkii ay uga baahnaayeen dowladda federaalka.

“Ardaydu waxay ii sheegeen in Gobolku uu karantiil ku jiro oo si shakhsi ah looga bixi karin, in ay safaarada dalkaada kaa saarto mooye. Waxay ii sheegeen in dowladaha tabarta yar sida Falastiin Yaman iyo Ciraaq ay dowlado kale la kaashadeen oo ay dadkoodii la baxeen.” ayuu yiri Cabdiraxmaan

Wuxuu sheegay in waajib ka saaran yahay Madaxda Dawladda Federaalka samata bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan magaalada Wuhun, waxaana uu ka codsaday dowladda Federaalka inay si degdeg ah ugu gurmato Soomaalida ku xayiran Wuhun

“Dadka gudaha dalka jooga ee dhibaatooyinka caynkaan ahi la soo derisaan, gurmad ayey walaalahooda kale ee Soomaaliyeed ka helaan, laakiin ardayda Gobolka Wuhan ku go’doonsan dowlad keli ah ayaa u gurman karta. Qaran aad magaciisa ku badbaadayso, haddii maalinta aad ugu baahi badan tahay gacan kuu fidin waayo, ma jirto sabab uu macno kuugu sameeyo” ayuu sii raaciyay Siyaasi C/raxmaan Cabdishakuur

Siyaasi C/raxmaan Cabdishakuur oo lagu bartay inuu aadu dhaliilo xukuumadda federaalka Waxaa kaloo uu sheegay in Cudurka Corona Virus uu maalintii ay qaadaan oo uu ku dhaco dad gaaraya 3895 Dowladdu degdeg ha ugu gurmato ardaydaas Soomaaliyeed.

Dadka u geeriyooday Viruska Corona waxa ay hadda tiradoodu gaartay 500 Qof .dadkaas ayaa 90% waxay ku geeriyooday gobolka Wuhun oo ah xudunta Cudurka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *