Siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland oo war saxaafadeed ka soo saaray Xaalada Laascaanood

Published: December 30, 2022

Siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland oo qaarkood xilal ka soo qabtay Federaalka ee Soomaalya ayaa war saxaafadeed ka soo saaray Xaalada Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Siyaasiyiintan waxa ay ku eedeeyeen Somaliland inay xasuuq ka wado magaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxay ku dhaliileen Puntland inay dhegaha ka fureysatay xaalada amni iyo midda Bani’aadanimo ee Laascaanood.

Siyaasiyiinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaameen in dowladda Federaalka iyo Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran inay ka baaqsadeen inay cambaareeyaan ama wax war ah ka soo saaraan Xaalada Laascaanood.

Horseed Media