Siyaasiyiin xilal kala duwan soo qabtay oo Garoowe kaga dhawaaqay Madasha Siyaasadda Puntland

Published: January 3, 2023
Shares42

Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland ayaa magaalada Garoowe kaga dhawaaqay Madasha Siyaasadda Puntland.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee loo aasaasay madashan ayaalagu sheegay inay tahay ilaalinta xasiloonida, sareynta sharciga iyo in doorashada Puntland ay waqtigeeda ku dhacdo.

Siyaasiyiinta ku mideysan madashan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin doorasho hufan bilowga sannadka 2024, waxayna ku tilmaameen doorashooyinka qof iyo cod kuwo marin habaabin ah oo uu dano gaar ah ka leeyahay Madaxweyne Deni.

“Xaqiijinta in Puntland ay ka dhacdo doorasho hufan, loo dhan yahay oo si nabadgeyo ah ku dhacda laguna soo doorto Baarlamaan, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen 8da Jannaayo, 2024”. ayaa lagu yiri bayaankii u horeeyay oo ay soo saareen.

Sidoo kale Madasha oo canbaareysay dilalka ay ciidamadda Somaliland shacabka ugu geysanayaan magaalada Laascaanood ayaa dhinaca kale soo saartay baaq ka kooban 5 qodob.