Somaliland oo Beesha Caalamka u Gudbisay Go’aankeeda Doorashooyinka Federaalka

Published: September 21, 2020

War-saxafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada ee maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in aysan Somaliland qayb ka ahayn oo wax shaqo ku lahayn nidaamka Doorashooyinka ee dowladda federaalka ee Somaliya.

” Dowladda Jamhuuriyada Somaliland waxay ay ku war gelinayaysaa qaramada midoobay, midowga afrika, midowga yurub iyo guud ahaan beesha caalamka in Somaliland tahay dawlad madax banaan oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka Taagta daran ee Somaliya”

Maamulka Somaliland ayaa warsaxafadeedka uu soo saaray wuxuu digniin u diray dowladda federaalka inay ka waantoobaan sheegashada Somaliland iyo waxa ay ugu yeereen marin habaabinta beesha caalamka, waxay kaloo shacabka Somaliland ka uga digeen inay ka feejignaadaan hagardoomooyinka Cadowga Somaliland.

Akhriso War-saxafadeedka

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Way ku saxantahay Somaliland. Waayo? Sababtoo ah Dawladda Somaliland shacabka soo doorta cidda hogaaminaysa.
    30kii sano ee u dambeeyayna way ka madaxbanaanayd Somaliya markaa sabab dad ay african/Amisom ku waardiyeeyaan xamar/villasomalia oonay cidi dooran u sheegtaan Somaliland macquulba ma aha.