Somaliland Oo Ka Hadashay Heshiis Dhexmaray Qaramada Midoobay Iyo DFS

Published: October 17, 2020

Golaha wasiirada Soomaaliland oo maanta yeeshay fadhi aan caadi ahayn ayaa ka dooday heshiis ay wada yeesheen dowlada federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

War qoraal ayaa lagu sheegay in wasiirada Soomaaliland oo shir gudoominayey madaxweyne Muuse Biixi ay dood iyo falan-qayn ka yeesheen heshiis ay wada gaadheen Soomaaliya iyo wakiilka UN-ka James Swan 15-kii October 2020, oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta (Un sustainable development cooperation framework UNCF), kaas oo ay sheegeen inuu meel ka dhac ku yahay Somaliland, faro-gelinna ku yahay arrimaha gudaha Somaliland.

” Somaliland kama mid aha maamullada Federaal-ka Soomaaliya, kamana mid noqon doonto, horena Jamhuuriyadda Somaliland way u caddaysay mawqifkeeda dalnimo, sidaa awgeed golaha wasiirradu waxay beesha caalamka u cadaynayaan inay kala madax-bannaan yihiin Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya….Somaliland muddo soddon sanno ah wax sharci ah, shaqo ah, iyo wax wada lahaansho, lama wadaagin Soomaaliya. Somaliland marnaba dheg jalaq u siin mayso xeelad siyaasadeed, culays dhaqaale iyo mid warbaahineed oo lagu xagal-daacinayo jiritaanka Qarannimada Somaliland.”

Somaliland

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment