Somaliland oo ku dhawaaqday Xabad Joojin kadib shan beri uu dagaal ka socday Laascaanood

Published: February 10, 2023

Wasiirada Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Difaaca iyo Xannaanada Xoolaha oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Caynaba ayaa ku dhawaaqay Xabad joojin rasmi ah.

Wasiir Saleebaan Cali Koore oo degaan ahaan ka soo jeeda gobolka Sool ayaa sheegay inaan waxba laga qaban karin waxa ka socda Laascaanood.

“Sida wax u dhacayaan marka aad eegto, waxa muuqata in xagga Rabbi wax kale laga wado oo aanaan waxba ka qaban karinba waxa socda” ayuu yiri Wasiir Koore.

Warkan ay shaaciyeen Afartan Wasiir ayaa ku soo aadaga xilli ay horey u xukuumadda Somaliland u sheegtay inay Laascaanood kula dagaalameyso Argagixiso.

Sidoo kale, war isla caawa goor sii horeysay ka soo baxay Somaliland ayey beesha Caalamka ka dalbatay in ay ku soo biiraan dagaalka Laascaanood oo ay ku tilmaamtay mid ay argagixiso kula jirto.

Horseed Media