Somaliland oo xaqiijisey in jamhadda buurta Gacan Libaax ay ciidankooda ka dishey 9 askeri

Published: August 11, 2023
Shares38

Hargeysa, Somaliland (HM): Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Booliska Somaliland Maxmed Adam Saqadhi ayaa saxaafadda kula hadley xili dabe oo jimacada ah magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland waxaana ay faahfaahin ka bixiyeen dagaal ka dhacay gobolka Saaxil ee Somaliland iyo mudaaharaadyadii maanta ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Taliyaha Booliska Somaliland ayaa sheegay in deegaanka loo yaqaan Go’da ayaa maanta jamhad hubeysan ku weerartey, taliyaha ayaa sheegay in ciidanka Somaliland laga diley 9 askeri lagana dhaawacay 17 kale.

Jamhadda hubeysan waxay geysteen falal amniga liddi ku ah, laakiin ciidanku ma haysan amar ay ku weeraraan, ugu horeyn bishii Luuliyo waxay afduubteen ciidamo Boolis ah, 30 Luuliyo waxay dileen askeri booliska ka tirsan, bishan Agoosto, waxay dhaceen gawaari ay iska lahayd hay’adda Hallo turst ee miini-baarkaka shaqeysa, ugu danbeyn maanta dagaal ka fool kafool ah ayey ku dileen 17 askeri

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Adan Saqadhi.

Maxamed Saqadhi ayaa sheegay in markii hore aysan amar ku qabin in ay weerain ciidamada buurta galay ee diidan taliska Muuse Biixi, laakiin hadda wixii ka danbeeya dagaal toos ah lagu qaadi doono oo ciidamadu qabaan amar buuxa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa isku xirey jamhadda hubeysan iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, waxaana uu sheegay in jmhaddu ay tahay mid xiriir dhaw la leh Guddoomiyaha Waddani, oo ay u badan yihiin qaraabadiisa, sidaas darteed uu ku fashilmey in u wax ka qabto ayuu yiri.

Jamhadda buurta gacan Libaax saldhigga ka dhigatey ee u badan beesha Garxejis isaaq ayaa diidan muddo kororsiga Muuse Biixi loo sameeyey, qabasho la’aanta doorashada iyo inaan loo sineyn Somaliland.

Si kastaba ha ha ahaatee Burta Gacan Libaax ayaa noqoneysa furin labaad oo Somaliland ka dagaalameyso, horey waxaa u diidey dadka deegaanka gobolka Sool oo bishii Febaraayo ku guuleystey in ay Somaliland ka saaraan deeganadooda, waxaana ay hadda ku sugan yihiin xero ciidan oo ku dhaw laascaanood oo ay dhufeyso ka qoteen.

Somaliland waxa keliya ay gadi jirtey waxay ahaayeen dimoqraadiyadda iyo nabadda, waxaana hadda god ku dhacay wixii ay caalamka u sheegi jirtey.

Doorashooyinka Somaliland waxay ahayd in la qabto 13 Nofeembar 2022. Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo laba sano ah ugu daray Muuse Biixi, Dhanka kale Muuse Biixi ayaa doonaya in uu meesha ka saaro Xisbiyada hadda jira ee UCID iyo Waddani, kadib markii uu doorashada Xisbiyada ka soo hor mariyey tan Madaxweynaha.

Somaliland waxay ku dhawaaqdey goono isu istaag ay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, ilaa hadda lama aqoonsan madaxbanaanida ay doonayeen.

Keyse Adam
Horseed Media