Somaliland Oo Xidhay Dad Fidinayey Diinta Kiristanka – VIDEO

Published: October 5, 2020

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa soo qabtay labo qof oo diinta Kiristanka ku fidinayey gudaha Soomaaliland, kuwaas oo la sheegay inay xitaa kor ka hayaan quraanka kariimka.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliland Faysal Xiis Cilmi oo xalay shir jiraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa warbaahinta uga warbixiyey labadan qof ee lasoo qabtay, wuxuuna sheegay inay eedeysanayaashan u gudbiyeen maxkamada iyo xeer-ilaalinta Soomaaliland.

Faysal Xiis ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliland inay iska ilaaliyaan dad noocaan oo kale ah, isagoo digniin u diray cidii isku dayda falalkan inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *