Soomaaliland Oo Cafis U Fidisay Maxamed C. Carte Qaalib

Published: October 25, 2020

Raysalwasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa oo iska casilay xubinimadii Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa la sheegay inuu dib ugu laaban doono magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Sababta keentay in Maxamed Carte iska Casilo xubinimadii Baarlamaanka dalka  ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu Go’aan ku gaaray inuu tego Hargeysa oo uu ku xanuunsanyo Aabihiis Cumar Carte Qaalib, uuna doonayo inuu soo arko.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu cafis u fidiyay Maxamed Cumar Carte, isla markaana uu tixgeliyay Codka uga yimid oo ah inuu Aabihiis oo caan ka ah Somaliland uu xauunsanyahay.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *