Soomaaliya iyo Kenya oo ka shiraya hawgalka dhamaadka ah ee ATMIS

Published: October 22, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, William Ruto oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa todobaadkan socdaal ku maray dalalka ay ciidamadoodu qaybta ka yihiin hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS oo haatan gaban gabo ah.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa asbuucan gudihiisa isaga kala gooshay ilaa afar dal, kuwaas oo Soomaaliya ciidamadoodu u joogaan nabad ilaalinta iyo la dagaalanka argagixisada.

Horseed Media