Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee Geeska Afrika

Published: June 30, 2024

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Sabti ah, kula kulmay Magaalada Qaahira, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado wadaagga labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhinacyo badan oo muhiim ah sida dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, dhaqanka, tababbarada, caafimaadka, duulimaadka iyo bankiyada, waxaa sidoo kale lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha geeska afrika, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

Sidoo kale kulanka waxaa ka qayb ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar, Danjire Cali Cabdi Awaare.

Horseed Media