Soomaaliya iyo Talyaaniga oo iska kaashanaya maaraynta khataraha musiibooyinka

Published: July 14, 2024

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo oo hal toddobaad ah ku tagay xarunta hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ee dowladda Talyaaniga (Italian Civil Protection Department).

Wafdigu waxa ay si gaar ah booqasho ugu kala bixiyeen heerarka kala duwan ee xarumaha hay’adda oo kala ah heer qaran, heer gobol iyo heer degmo.

Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in labada dhinacba ay dhidibada u aasaan xiriir la isaga kaashanayo xirfadaha shaqo iyo aqoonta la xiriirta maareeynta khataraha musiibooyinka.

Waxaa booqashadaas Gudoomiyaha ku wehliyay madax sare oo ka kala socday Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS iyo Hay’adda SoDMA.

Wafdiga ayaa mid mid u booqday xarumaha muhiimka ah ee nidaamyada Maareynta khataraha Musiibooyinka heerarkooda kala duwan ee Talyaaniga Saddexda heer ee (heer qaran, heer gobol iyo heer degmo).

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay dardar geliyaan fulinta qorshe wax ku ool ah oo la isaga kaashanayo dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta halisaha dabiiciga ah.