Soomaaliya iyo Ugandha oo kala saxiixday heshiiska ah dhanka Gaashaandhiga

Published: February 20, 2024
Shares30

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulkadir Mohamed Nuur iyo dhiggiisa Uganda Mudane. Ssempijja Ronald oo booqasho shaqo ku jooga Muqdisho ayaa saxiixday heshiis dheeri ah oo dhanka difaaca ah.

Heshiiskan ayaa xoojinaya heshiiskii iskaashiga dhanka difaaca ah oo ay labada dal saxiixdeen bilowgii sanadkii 2022.

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay: “… in iskaashigu uu calaamad u yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka ammaanka iyo taageerada wadajirka ah ee ka dhexeeya labada wadan…”.

Dowlada Soomaaliya ayaa xiligan wada qorshaha hawlgelinta ciidamada Shisheeye ee beddali doona ciidamada Midowga Afrika (ATMIS) oo wakhtigooda ku egyahay dhamaadka sanaddkan.

Ciidamada Shisheeye ee bedalli doona kuwa ATMIS ayaa la sheegay inay la wareegi doonaan illaalinta xarumaha muhiimka ah ee caasimada Muqdisho, kuwaasi oo uu hawlgalkooda socon doono sida la sheegay muddo hal sano ah.

Ugandha oo ah dalka ugu weyn ee ciidamadooda kamid yihiin kuwa ATMIS ayaa la filayaa inay ka qeyb noqdaan kuwa bedalli doona ATMIS oo la sheegay inay u badnaan doonaan dalalka Afrika.

Horseed Media