Ciidamo Shisheeye oo bedalli doona kuwa ATMIS?

Published: February 16, 2024

Waxaa soo baxeysa xog ku saabsan qorshaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ku aadan ciidamo shisheeye oo bedalli doona kuwa Midowga Afrika ee ATMIS, dhamaadka sanadkan.

Wareysi uu La-taliayaha Amniga Qaranka Xuseen Cali siiyey VOA ayuu ku sheegay in diyaarinta qorshahan uu weli socdo, macada dalalka ciidamadan ka imaan doonaan iyo inay noqon doonaan kuwii horey uga mid ahaan jiray ATMIS.

Ciidamadan oo loo qoondeeyey inay dalka Soomaaliya ka hawlgalaan ayaa loogu talo galay inay illaaliyaan goobaha muhiimka ah ee caasimada Soomaaliya iyo Safaaraddaha.

Ciidamadan ayaan ka qeyb qaadan doonin dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab, hawshaasi oo ay si buuxda ulla wareegayaan ciidamada dowlada.

Tiradda ciidamadan ayaa lagu sheegay inay u dhaxeyso 3000 – 8000 askari. Waxaana la qorsheeyey in hawlgalkooda uu socdo muddo 12 bilood ah (hal Sano), balse la kordhin karo wakhtigooda hadii loo baahdo.

Xuseen Cali La-taliyaha Amniga Qaranka, ayaa sheegay in ciidamadan loo baahday si ay u sugaan amniga goobaha muhiimka ah sida Garoonada diyaaradaha, wuxuuna sheegay inay macquul tahay in ciidamadan noqon doonaan kuwo hoos taga Midowga Afrika, balse ma sheegin magaca loo bixin doono.

Bixitaanka ATMIS

Ciidamada ATMIS ayuu wakhtigooda ku egyahay dhamaadka sanadkan bisha Diseember.

ATMIS ciidamadooda oo gaarayey in ka badan 21 kun oo askari, waxaa illaa iyo hada dalka laga saaray 6000 askari, bisha Juun ee sanadkan ayaa la saari doonaa 4000 askari, halka inta soo hartay la sheegayo inay bixi doonaan dhamaadka sanadka.

Horseed Media