Spain, Ireland iyo Slovenia oo qorsheynaya inay aqoonsadaan Falastiin 21-ka May

Published: May 10, 2024
Shares22

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in Spain, Ireland, iyo Slovenia ay qorsheynayaan inay aqoonsadaan dowlada Falastiin 21ka May.

Arrintan ayey horey u baahisay warbaahinta dowlada Ireland oo sheegtay in xukuumadooda aqoonsan doonto Wadanka Falastiin 21ka May.

Borrell ayaa arrintan xaqiijiyey isagoo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Spain Jose Manuel Albares u sheegay isaga, isla markaana Khamiistii shalay ay dowlada Slovenia bilowday dadaalka lagu aqoonsanayo dawladnimada Falastiin.

Wuxuuna intaasi ku daray “Malaha, intaas ka dib, waxaa jiri doona dalalka sida xukuumada Belgium oo iyadana ka fiirsanaysa aqoonsiga Falastiin, laakiin waxay dib u dhigtay go’aankaas iyada oo raadinaysa dalal badan ay ku soo biiraan go’aankaas,” ayuu yidhi Borrell.

Waddamada kale ee Midowga Yurub oo ay ku jiraan Malta iyo Norway ayaa iyaguna dhawaan sheegay inay doonayaan inay aqoonsadaan dawlada falastiin marka ay suurtogal tahay.

Khamiista, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Spain Albares ayaa sheegay in inkasta oo uusan xaqiijin karin xiliga lagu dhawaaqayo ee 21ka May, wuxuu carrabka ku adkeeyay in go’aanka la qaatay si loo aqoonsado qarannimada Falastiin.

Hogaamiyaha Ireland Simon Harris ayaa sidoo kale ballan qaaday inay go’aankan ku dhaqaaqi doonaan goor dhaw.

Dhanka kale, dowladda Slovenia ayaa rabta inay codsi rasmi ah u dirto baarlamaanka si ay u aqoonsadaan dowladda Falastiin kahor 13-ka June.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa ku ammaanay waddamada u dhaqaaqaya aqoonsiga dawlad Falastiini ah khudbad uu ka jeediyay Madrid Khamiistii shalay, isagoo sheegay in fikraddu ay ” xidid ku leedahay mabaadi’da difaaca xuquuqda aadanaha.”

Horey ayey sagaal kamid ah 27-ka waddan ee EU waxay aqoonsadeen Falastiin, iyadoo dowlada Sweden ay tahay tii ugu dambaysay oo go’aankaa ku dhaqaaqday sanadkii 2014.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, wadamada Kariibiyaanka – Barbados, Jamaica, Trinidad & Tobago, iyo Bahamas – waxay aqoonsadeen Falastiin dawlad ahaan. Hadda, dhammaan 14-ka xubnood ee Beesha Kariibiyaanka ah ayaa ku mideysan mowqifkan.

Maanta oo Jimcaha ah ayaa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu lee yahay kulan u cod ugu qaadayo qaraar ah in dib loogu eego codsigiisa ahaa in Falastiin ay noqoto xubin buuxda oo kamid ah Qaramada Midoobay.

Mareykanka ayaa horjoogsaday aqoonsiga Falastiin isagoo codkiisa qaxayan u adeegsaday qaraarkii Golaha Amaanka, arrintan oo keentay kulanka maanta ee Golaha Loo dhan yahay ee dalalka xubnaha ka ah UN-ta.

Horseed Media