Sudan oo ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka cayrineyso eregayga Qaramada Midoobey

Published: June 9, 2023

Talaabadan ayaa timid kadib markii taliyaha ciidamada dalkaasi Abdel Fattah al-Burhan uu ku eedeeyay Volker Perthes inuu hurinayo dagaalada u dhaxeeya dhinacyada isku haya Sudan.

Sudan ayaa ku dhawaaqday Volker Perthes, wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna madaxa howlgalka UNITAMS, persona non grata.

“Dowladda Jamhuuriyadda Sudan waxay ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inay ku dhawaaqday Mr. Volker Perthes… persona non grata laga bilaabo maanta,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Perthes ayaa ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya khamiistii isagoo halkaas ku lahaa wadahadalo diblomaasiyadeed oo xiriir ah, sida lagu sheegay bogga Twitter-ka ee howlgalka Qaramada Midoobay.

Taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhaan ayaa horay ugu eedeeyay ergayga inuu hurinayo colaadda dalkaas. Bishii Maajo wuxuu warqad u qoray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay , Antonio Guterres, isagoo ka codsanaya Perthes in meesha laga saaro.

Wuxuu kaloo ku eedeeyay Perthes inaysan ixtiraamin “madaxbanaanida qaranka” ee dalkiisa. Guterres wuxuu garab istaagay Perthes.

Si kastaba ha ahaatee, todobaadkii hore, golaha ammaanku waxa uu u codeeyay in la kordhiyo hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmada Kala-guurka ah ee Sudan muddo lix bilood ah oo kaliya marka la barbar dhigo muddada caadiga ah ee halka sano ah.

UNITAMS waxaa la sameeyay Juun 2020 si dib loogu celeiy awooda rayidka iyo dimoqraadiyadda ka dib markii uu dhacay xukunka Cumar Al-Bashiir.

Hanad Askar
Horseed media