Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo soo dhoweyn ballaaran loogu sameeyey magaalada Garoowe

Published: October 22, 2024

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo muddooyinkii ku maqnaa safar dalka dibadiisa ah ayaa maanta si ballaaran oo milgo iyo maamuus leh loogu soo dhoweeyey caasimadda Puntland ee Garoowe.

Waxaa suldaanka garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir kusoo dhoweeyey masuuliyiinta sare ee Puntland, Wasiiro, Xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Nugaal, duqa degmada Garoowe, odayaasha dhaqanka, waxgaradka, dhalinyarada, haweenka iyo boqolaal dadweyne ah.

Suldaanka ayaa uga mahadceliyey madaxdii iyo bulshadii soo dhoweysay.

Horseed Media