Suxufiyiin Lagu Xiray Garoowe

Published: September 6, 2020

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu xiray labo suxufi oo ka tirsan idaacadda maxaliga ah ee Daljir, Abdiqani Axmed iyo Khadar Cawil.

Suxufiyiintan ayaa la sheegay in la xiray xili ay doonayeen inay su’aalo ka weydiiyaan Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal kiiskii Hodan Shalayste oo sanad ka hor (10/April/2019) kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Garoowe.

Maxkamada darajaad 1aad ee gobolka Nugaal ayaa seddexdii bishan sagaalaad (03/Sep/2020) waxay sii daysay lix nin oo ku eedaysnaa Kiiska gabadhaas, kadib markii ay ku weyday wax dambi, arrintaas oo ay cabasho ka muujiyeen qoyska marxuumad Hodan.

Wali laamaha amaanka iyo dowlada Puntland kama hadlin xariga labadan suxufi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *