Tababar loo furay Shaqaalaha Hay’adaha Puntland

Published: September 20, 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniintii furay tababarada shaqaalaha Dowladda wejigiisa koowaad oo loo qabanayo 100 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda ee kala duwan. Waana markii ugu horeysay Soomaaliya oo Shaqaale intaasi leeg lagu tababarayo xarumo Dowli ah oo Gudaha dalka laga hirgeliyay.

Tababarka waxaa iska kaashanaya Macadka tababarada Shaqaalaha Dowladda Puntland iyo Machadka tababarada Shaqaalaha ee dalka Kenya, waxaana qorshan oo xarumaha ay khuseyso ay kala soo shaqeysay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland uu ka midyahay ballan qaadkii Madaxweynaha ee tayeynta Shaqaalaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa intii uu Xafiiska joogay ahmiyad gaar ah siiyay Shaqaalaha, waxaana lagu sameeyay dib-u-habeyn, tirakoob iyo Mushaharaad kordhin loo sameeyay.

Hore Waxaan dib-u-habeyn ugu sameynay, oo tababar iyo tayeyn lagu sameeyay Ciidanka Iyadoo xarumo lagu tababaro aan ka sameynay Gobollada kasoo billow Gaalkacyo illaa Badhan, hadda tallabaada labaad waa in aan tayeyno Shaqaalaha Dowladda oo ay helaan tababar xirfadooda kor loogu qaadayo” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Munaasabadda oo ka dhacday hoolka shirarka ee Madaxtooyada, waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Xubnaha Golaha Wasiirada qaar ka mid ah, Agaasinka Machadka tababarada Shaqaalaha Dowladda Puntland, Macalimiinta Tababarka bixinaya oo ka socda Machadka Tababarka ee Puntland iyo Machadka tababarada Shaqaalaha ee dalka Kenya iyo Shaqaalaha Tababarada la siinayo.

Horseed Media