Tababare Ciidan oo lagu eedeeyay la shaqeynta Al-Shabaab oo lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah

Published: February 19, 2023

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ka soo saartay.

Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ah 63 jir ah ku dhashay Baydhaba ayaa lagu soo eedeeyay la shaqeynta Al-Shabaab gaar ahaan Qeybta Amniyaadka una qaabilsanaa bixinta xogaha Ciidanka Xooga Dalka, kaas oo  laga soo qabtay gudaha Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

“Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal ayaa sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan gelinta Ciidamada ayaa loo helay xidig sax ah, waxaana Cadaatay in inta kale uu iska saarta” Ayaa lagu sii yiri qoraalka soo baxay Maxkamadda.

Habraacca Go’aan ka gaarista iyo dhamaystirka dacwad qaadistiisa ayaa soo socotay ilaa January 22 Keedii Sanadkan, iyadoo ugu dambeynna maanta la xukumay.

Horseed Media