Taliska AFRICOM oo sheegay in ay ciidamada Soomaaliya ka taageereen dhanka cirka

Published: September 22, 2022

War saxaafadeed ka soo baxay ciidamada taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in codsi uga yimid dowladda federaalka ay qaadeen weerar dhanka cirka ah gobolka Hiiraan, todobaadkan.

Codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Taliska Mareykanka ee Afrika waxa uu qaaday Weerar dhinaca Cirka ah oo ka dhan ah Argagixisada Al-Shabaab oo 18-kii Sebtembar ku weeraray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel ku dhow Buulabarde, Soomaaliya.

AFRICOM

Qiimeynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay 27 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, islamarkaana aysan jirin dad rayid ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay.

Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada Soomaaliya. Weerarada isdifaaca ah ayaa u sahashay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM in ay dib u hantaan qorshahooda, ayna sii wadaan howlgallada lagu ciribtiraayo Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, sida lagu yiri warsaxaafadeedka AFRICOM.

Hawlgalkan ayaa ah kii ugu balaarnaa ee ay Soomaaliya fuliso muddo shan sano ah, waxaana qorshahan ku soo beegmay yada oo Madaxweynaha Soomaaliya ballanqaad ka helay Maraykanka in ay taageerayaan.

War saxaafeedka ayaa lagu sheegay in taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabooyin kale si looga hortago waxyeelada rayidka. Dedaalladan ayaa ka duwan weerarada aan loo meel dayin ee ay al-Shabaab si joogto ah u geysato dadka rayidka ah, sida lagu yiri warka ka soo baxay taliska AFRICOM.

Ciidamada xoogga dalka oo kaa shanaya beelaha dega gobolada Hiiraan iyo Galguduud ayaa wada weeraradii ugu ballaarnaa ee al-Shabaab looga sifeynaayo labadaas gobol.

Horseed Media