Taliska Ciidanka Dhulka Soomaaliyeed Oo Sheegay 80 Alshabaab ah In Lagu Dilay Dagaalka Magaalada Caad

Published: December 26, 2023
Shares60

Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay xogta rasmiga ah ee dagaalka dhawaan ka dhacay magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa xaqiijiyey in Ciidanka Qaranka oo weerar ku qaaday fariismo ay Khawaarijtu ku lahaayeen aaga Caad, halkaas oo Khasaaro baaxad leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka.

Dhanka kale, waxaa sidoo kale deegaanka Jeex-Jeex ka dhacay dagaal socday muddo 8 saacadood ah, waxaana dagaalkaasi ka dhashay guulo waaweyn oo ay soo hooyeen Ciidanka Qaranka, isla markaana ay Cadawga ka furteen hubkii ay wateen.

Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in dagaaladaasi ay ku dileen 80 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay ka xoreeyeen waqooyiga iyo bariga magaalada Caad.

Taliyaha ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay in Galbeedka magaalada gabi ahaanba laga xorreeyo Khawaarijta, si dadka degan ay u helaan nabad-gelyo isla markaana la daboolo baahiyaha aasaasiga ah ay qabaan lana gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Horseed Media