Taliska Ciidmada Kumaandooska ee Danab oo beeniyay in ay ku lug leeyihiin dagaalka Laascaanood

Published: March 25, 2023
Shares8

Taliska ciidamada kumaandooska gaarka ah ee Danab ee uu tababaro Mareykanka ayaa markii u horraysay si cad u beeniyay in ay ku lug leeyihiin dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qoraal ka soo baxay Taliyaha Danab Korneyl Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) kumaandooska Danab ayaa lagu beeniyay in askar ka tirsan Danab ay qayb ka yihiin dagaal muddooyinkii dambe ka socda Laascaanood.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu caddeeyay in marxuum Maxamed Suleymaan oo ku dhintay dagaalka Laascaanood aanu ka tirsanayn Danab islamarkaana uu sababa isaga u gaar ah shaqada uga tagay sannadkii 2021.

Somaliland ayaa dhawr jeer oo hore jeedisay eedeymo la xiriira in ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya ay ka dagaalamayaan gudaha Laascaanood.

Horseed Media