Taliyaha ciidamada Booliska degmada Carmo oo qarax ku dhaawacmey

Published: February 7, 2024
Shares38

Qarax nooca miidanada dhulka lagu aaso ayaa maanta oo arbaca ah ka dhacay kontoroolkii hore ee magaalada Boosaaso.

Qaraxa waxaa lala beegsadey gaari uu watey gaashaale Sare Axmed Koboc oo ah taliyaha ciidanka Booliska degmada Carmo ee gobolka Bari.

Sida aan ka soo xiganey qaar kamid ah laamaha amniga ee Puntland, qaraxa ayaa ka dhacay meel aad ugu dhaw halkii qaraxa lagula beegsadey Madaxweynaha Puntland sanadkii 2022. Taliye Koboc ayaa dhaawac ka soo gaarey qaraxa waxaana la geeyey magaalada Boosaaso.

Amniga Boosaaso ayaa noqdey mid aad u liita, waxaana marba marka ka danbeysa ku sii xoogeysanaya kooxaha argagixisada.

Horseed media