Taliyaha Ciidamada Federaalka oo booqday xarunta AMISOM ee Baladweyne

Published: March 4, 2021

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowa Yuusuf Ragge oo uu wehliyo Taliyaha AMISOM ayaa kormeeray xarunta AMISOM (sector 4) oo xaruntoodu tahay magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan.

Ujeedka Kormeerka ayaa ahayd xog-wareysi uu la yeeshay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Hiiraan iyo sidii loo dardar gelin lahaaa howlgallada lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga iyo cidamada AMISOM.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa xarunta AMISOM kula kulmay saraaiisha ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Beladweyne.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *