Taliyaha cusub ee ciidamada booliska Puntland Muumin Cabdi Shire oo xilka la wareegay

Published: November 1, 2022

Taliyaha cusub ee ciidamada booliska Puntland S/guuto Muumin Cabdi Shire ayaa xilka kala wareegay Taliyihii hore ee ciidanka booliska S/guuto Maxamed Cali Xaashi.

Taliyaha ciidamada booliska Puntland ayaa umahadceliayay Taliyihii hore booliska shaqada baaxada leh ee uu ka qabtay booliska iyo dadaalkii uu galiyay.

Talyihii hore ee ciidanka booliska S/guuto Maxamed Cali xaashi ayaa u hambalyeeyay Taliyaha cusub ee booliska S/guuto Muumin Cabdi Shire masuuliyadda culus ee loo igamaday waxa uuna booliska iyo bulshada ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

Munaasabadda Xilwareejin Taliyaha booliska waxaa ka qayb galay Qaar kamid ah labada gole ee Dowladda Puntland, Taliyaasha ciidamada qalabka sida masuuliyiin ka kala socday xarumada xiriirka wada shaqayneyd booliska la leh iyo marti sharaf kala duwan.

Horseed Media