Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar, Xuseen Cali Oo Xilka La Wareegay

Published: July 2, 2023

Taliyaha cusub ee qaybta booliska Gobolka Karkaar G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay taliyihii hore ee qaybta Karkaar G/Sare Cabdirisaaq Faarax Warsame.

Xildhibaano Puntland, Taliska Booliska Puntland. Maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, Saraakiil ciidan, Xildhibaano gole deegaanka Qardho, Odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb-gallay.

Taliyihii hore Cabdirisaaq ayaa ugu horayn soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu joogay, caqabadaha iyo guulaha la taaban karo ee la gaaray.

Taliyaha Cusub G/Sare Xuseen Cali oo xilka la wareegay ayaa u mahad-naqay Taliyihii hore, waxa uuna shacabka ka codsaday in lala shaqeeyo.

Gudoomiyaha Degmada Qardho Cabdiqaadir Said Qaal, Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Said Osman, odayaasha dhaqanka, xildhibaanada iyo bulshada rayidka ah oo hadlay ayaa xusay in Cabdirisaaq uu shaqa fiican soo qabtay, taliye Xuseen mid kale oo taas ka balaaran ay shacabka Karkaar ka sugayaaan.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Puntland Caydiid Axmed Nuur iyo Xildhibaano ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa hadlay, waxayna amaan iyo mahad-naq u jeediyeen taliyihii hore, halka ay soo dhaweeyeen Taliyaha Cusub ee la magacaabay G/Sare Xuseen Cali Maxamuud shacabka waxay ka dalbadeen in arimaha Amnigga lagala shaqeeyo.

Horseed Media