Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin oo xilla la wareegay

Published: February 4, 2023
Shares6

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa munaasabad ka dhacday Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee Janaraaal Kaahiye waxa uu xilka kaga la wareegay Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar. 

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Xijaar oo u hambalyo mug leh u diray Taliyaha Cusub, ayaa ka war bixiyey horumarradii baaxadda laha ee uu Ciidanka Boolisku ku tallaabsaday muddadii uu xilka hayey, isaga oo tilmaamay in guulo wax-ku-ool ah laga xaqiijiyey dhinacyada dib-u-habaynta, tababarrada, tayaynta, kordhinta tirada iyo qalabaynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Sulub Axmed Firin oo u mahadceliyey Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliska ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay dardar gelinta shaqada muhiimka ah ee uu Ciidanka Boolisku u hayo  dalka iyo dadka Soomaaliyeed, horumarinta xirfadaha iyo tababarrad gaarka ah ee Booliska,  qalabaynta, kor-u-qaadidda anshaxa, wax-ka-qabashada baahiyaha iyo ilaalinta xuquuqaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. 

Munaasabadda Xilwareejin Taliyaha Ciidanka Booliska waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Xubno ka kala socday Goleyaasha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, Guddoonka Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida iyo dhammaan saraakiisha Hoggaamada iyo Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Horseed Media