Taliyaha cusub ee ciidanka gaarka ah “Special “Forces” Gen.Axmed Cabdullaahi oo Maraykanka waxbarasho ugu soo dhamaatey

Published: June 15, 2024
Shares30

Gen. Axmed Cabdullaahi Sheekh Axmed oo maalintii khamiista loo magacaabey Taliyaha ciidanka gaarka ah iyo la-dagaalanka argagixisada ayaa isla maalintii shalay ee la magacaabey ka soo qalin jibiyey Jaamacadda National Defense University ee Washington DC, waxaana uu ka baxay qaybta College International Security Affairs oo labadii sano ee u danbeysey ku qaatey waxbarasho ciidamada la xiriirta.

Jaamacadda NDU oo ah kuwa ugu sareeya dalka Maraykanka ayaa Gen Axmed Cabdullaahi ka galay kaalinta kowaad taas oo uu ku helay “distinguished graduate”.

Gen Axmed Cabdullaahi Sheekh ayaa horey u soo noqdey taliyaha ciidanka kumaandooska ee Danab sanadihii 2016 ilaa 2019 waxaana lagu tilmaamaa taliyihii dhidibada u taagey ciidamada dananbta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii shalay u magacaabey taliyaha ciidanka gaarka ah la-dagaalanka argagixisada ayaa lagu wadaa dhawaan in uu la wareego xilkaas oo ah mid cusub kadib markii ciidanka loo qaybiyey ilaa afar talis.

HORSEED MEDIA