Taliyaha xoogga dalka oo kulan la qaatay taliyaha ciidanka gaarka ah ee Mareykanka

Published: April 30, 2024

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Isniintii kulan gaar ah oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta la qaatay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah wuxuu Kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xureynayo khawaarijta, isagoo xusay inuu dhawaan bilaaban doono howlgalka.

Taliska Mareykanka ee Soomaaliya u jooga fulinta hawlgallada gaarka ah ayaa balan-qaaday inay diyaar u yihiin kaalintooda ku aadan howlgalka.

Wafdigan ka socday Militariga Mareykanka ayaa lagu waday inay booqdaan Isniintii shalay magaalada Bosaaso, si ay usoo kormeeraan xarunta ciidamada PSF, walow safarkaasi baaqday kadib markii dowlada Puntland is-hortaag ku sameysay Taliska PSF iyo illaaladoodii inay yimaadaan Madaarka Bosaaso.

Horseed Media