Taliye Asad Cismaan Cabdullaahi oo kulan la qaatay culumaa’udiinka Soomaaliyeed

Published: October 16, 2024

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo uu kala hadlay in ay ka qaybqaataan dadaalada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta, wadajirka bulshada iyo dabar goynta fikirka xagjirka ah ee Khawaarijta.

Culimadu ayaa soo bandhigay talooyin ku aaddan ilaalinta ammaanka dalka, dowlad dhiska iyo la dagaallanka aragtiyada gurracan ee kooxaha Argagixisada ah.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif).

Horseed Media