Taliyhii hore ee ciidanka Puntland oo dalka dib ugu soo laabtey

Published: November 20, 2022
Shares50

Kadib muddo afar sano ku dhaw oo uu dalka ka maqnaa, isaga oo ku tilmaamey maqnaanshahaas is-masaafuris iskiis ah ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Gen. Siciid Maxamed Xirsi oo loo yaqaan Siciid Dheere ayaa sheegay kadib doorashadii uu tartankeeda looga adkaadey sanadki 2019, in kooxdii Madaxeynaha soo dhisatey ay ka dhaadhiciyeen in aan wado inqlaab, kadibna aan goostey in aan dalka isaga baxo.

Siciid Dheere waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey dadweyne badan oo uu hor kacaayo wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa), Wasiirka qorsheynta Maxamed Siciid Faroole, taliyaha ciidanka daraawiishta ee Puntland Gen. Abshir London iyo saraakiil kale oo badan.

Gen. Siciid Dheere ayaa durba sheegay halka uu u socdo oo ah in aan dorashada goloyaasha deegaanka cidna hor istaagi karin, sidoo kale waxa uu eedeyn u jeediyey, waxa uu ugu yeeray haraadigii Saliid, oo ahayd dhacdo reer Puntand ay 30 sano ka hor ka soo gudbeen.

Horseed media